Jigjiga (Dawan)- Waxaa qoray Madaxa Xafiiska Maareynta Khatarta Masiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, Axmed Yaasiin Sheikh Ibraahim
Gobolka Geeska Afrika wuxuu ku jiraa marxalad ka fiirsasho badan u baahan, taasoo haddii aan si qodo-dheer loo maaraynin la iman karta natiijo aan la mahadinin. Wadammada iyo ummadaha Gobolka ku wada-dhaqan waxay leeyihiin dano laga yaabo inay mararka qaarkood iska hor-yimaadaan, laakiin haddii si far-san loo maamulo la is-waafajin karo.
Dhinaca kale, waxaa jiri kara wadammo ama ummado Geeska ka baxsan oo danahoodu ku jiraan inay qayb ka noqdaan danaha, inta badan isku falkisan, ee dadyowga Geeska ka dhexeeya.
Haddii aan is dul-taagno qaybaha inaga khuseeya, cilaaqaadka Soomaaliya iyo Itoobiya ma wanaagsana intii ka denbaysay Is-afgaradkii dhex-maray Itoobiya iyo maamulka Somaliland. Waxaa labada dhinac ee Itoobiya iyo Soomaaliya u dhexeeya dagaal diblumaasiyadeed oo aad u qadhaadh, kaasoo ay dalal Gobolka Geeska Afrika ka baxsan faraha la soo galeen.
Masar
Masar waa waddan ku jira Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika labadaba, waxaana u sahlan inuu saamayn ku yeesho howsha ka dhex-taagan Itoobiya iyo Soomaaliya, isagoo adeegsanaya galaangalka iyo bah-wadaagta uu labadan urur goboleed ku leeyahay, saamayntiisana u isticmaalaya meel-marinta doonistiisa ah inuu cadaadis saaro Itoobiya oo uu ka dhexeeyo khilaaf soo jiitamay oo ku saabsan dhinaca isticmaalka biyaha Wabiga Niilka. Khilaafkani wuxuu soo billowday markii ay Itoobiya kaga dhabaysay dhismaha biya-xidheenka wayn ee Abay, kaasoo shaqadiisii billaabay.
Masar, iyadoo khilaafkaas ka dabaakhtamaysa, ayay heshiis difaac oo cusub la saxiixatay Soomaaliya. Ujeeddada ay Masar ka leedahay heshiisakan waa inay Itoobiya ku cadaadiso inay garowshiiyo ka muujiso tabashadeeda la xidhiidha isticmaaka biyaha Niilka.
Sida cid waliba fahmi karto ujeeddadeedu ma aha inay Soomaaliya ka caawiso la dagaallanka argagixisada. Sababtoo ah, Soomaaliya in ka badan labaatan sano ayay dagaaalka argagixisada ku jirtay, taageero iyo hiil sokeeyana u baahnayd, balse Soomaaliya marna dabac iyo garab-istaag kama ayna helin xukuumadda Masar. Hadda waxa keenay waa danaheeda oo kaliya. Maalinta ay danaheedu u fulaana bustaheeda way ka laa-laaban doontaa Gobolka.
Turkiga
Waddanka Turkigu waa waddan wayn oo saamayn ku leh meelo badan oo caalamka ka mid ah, wuxuuna xilliyadii denbe oo dhan ku dadaalayay inuu saamayn luxdan ku yeesho wadammada Afrika iyo kuwa caalamka islaamka, isla markaana uu buuxiyo kaalintii ay banneeyeen wadammadii Carabta ee bari saamaynta ku lahaan jiray caalamka islaamka.
Turkigu wuxuu muddo dheer ku howllanaa gacan-qabashada Soomaaliya iyo sidii ay uga bixi lahayd dhibaatada iyo colaadaha ay ku jirto. Wuxuu xoogga saaray inuu qayb ka noqdo dhisida cududda ciidammada Soomaaliya, isagoo tababarro iyo qalabayn labadaba isugu daray. Wuxuu sidoo kale ka shaqeeyay arrimaha bani'aadamnimada iyo dhismaha kaabayaashii adeeg bixinta ee burburay, sida isbitaallada iyo dugsiyada. Wuxuu kaloo miciin siyaasadeed u noqday xukuumadihii Soomaaliya u kala denbeeyay isagoo golayaal waawayn ka taageeray, isla markaana fududeeyay isku xidhka dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee labada dadyow ee Turkida iyo Soomaalida u dhaxayn kara.
Hase yeeshee, in kastoo Turkigu uu xilli hore garab-istaag u muujiyay Soomaaliya, hadd heshiisyadii ugu denbeeyay ee labada dhinac dhex-maray wuxuu miisaankooda ugu wayni ku salaysan yahay arrimo dhaqaale. Soomaaliya waxay waddanka Turkiga siisay heshiis la rumaysan yahay inuu adduun badan ka tabci doono. Waxaa sharikada batroolka ee dalka Turkiga (dowlada ayaa iska leh) lala saxiixday heshiis dhigaya inay shidaal ka baadho oo ka qaddo 3 lakab (blocks) oo Badda Soomaaliya ah, waxaana hadda xeebaha Soomaaliya ku soo wajahan 6 markab oo qaarkood maraakiib dagaal yihiin, kuwaasoo daadihinaya Markabka lagu magacaabo Oruc Reis, oo shidaal ka baadhi doona seddex lakab, oo mid waliba ku fadhiyo 5,000 KM oo isku-weer ah.
Dhinaca kale, wuxuu Turkigu xidhiidh ganacsi oo wanaagsan la leeyahay Itoobiya, mana doonayo inuu lumiyo danaha dhaqaale ee Itoobiya uu la wadaago, sidaas darteed wuxuu muddooyinkii denbe oo dhan ku dadaalayay inuu wada-hadalsiiyo Itoobiya iyo Soomaaliya, si uu isu waafajiyo danaha uu labada dal ka leeyahay. Tallaabo kasta uu Turkigu qaadayo waxay ku salaysan tahay dantiisa, wuxuuna middaas kala mid yahay caalamka intiisa kale.
Waaqica DDS iyo saamaynta ku iman karta
Deegaanka Soomaalidu wuxuu hadda haystaa nabadgelyo luxdan iyo xasillooni aan horay u soo marin. Inta la xusuusto, Deegaanka soomaalidu wuxuu ahaan jiray meel ay ka jiraan dagaallo iyo halgano lagu difaacayo jiritaanka qowmiyada Soomaaliyeed, iyo raadinta xuquuqaha ka maqan. Xukuumadihii Itoobiya ka jiri jiray waxay iyaguna halgannadaas kala hor-tegi jireen cabudhin iyo cadaadin loo adeegsanayo awood millatari oo saa'id ah, mana ayna dhici jirin in wax garowshiiyo ah laga muujiyo doonista shacabka Soomaaliyeed ee deegaanka. Taasi waxay keeni jirtay in deegaanku uuna marna xasillooni helin, mar walbana ay jirayeen dhaqdhaqaaqyo keena-diid ah oo ka gadooda gumaysiga iyo quudhsiga.






