Xasan Sheekh waxa uu doortay tuutaha cagaaran ee inta badan ciidamada Militeriga Soomaaliya xirtaan, Koofiyad, iyo kabo buudka ciidamada ah.Cimaamad inta badan lagu garan ogyahay macawiisleydana qoorta ayuu ku duubtay.Saacad Apple- ah iyo bakoorad xarago oo reer Dhuusamareeb caan ku yihiin ayuu kala soo degay diyaarad helekobtar ah.
Sawirkaan waxa uu la gaar ahaa dhowr qodob:
Arrin cusub: Madaxweyne Xasan laguma oqoon xirashada dharka ciidamada. Ku dhowaad 6 sano oo uu madaxweyne yahay oo laba muddo xileed u kala qeybsan, waa markii labaad inta la ogyahay ee uu soo muuqdo isaga oo xiran dareeska ciidamada.
Waqtiga: Xilliga uu ku soo beegmay oo ah xilli adag oo ay ciidamada dowladda isku diyaarinayaan dagaal rogaal celis ah, dhaliillo iyo faro ku fiiqna uu ka dhex jiro taliska ciidanka.
Madaxweynuhu waxa uu diray farriin ka go’naansho ah iyo in dhacdooyinku aysan hadafkiisa ka leexin doonin.
Astaanta Macaawisley: Maxaas oo ah xuddunta Macaawiisleyda beesha Xawaadle waa meel astaan u ah guulaha ay ciidamadu ka gaareen dagaalka. Waxa uu damcay ka qalin daarashada guulaha reer Hiiraan.
Dhiirri gelinta Ciidanka: Muddo bil ka badan oo uu madaxweynhu ku sugnaa Dhuusamareeb ciidamadu ma sameyn wax horumar ah oo la taaban karo, sidaas darteed sawirku waxa uu u noqday nuxur warbaahineed oo loo adeegsado dhiirri gelinta ciidamada.
Furinta dagaalka: Arrinta kale ee uu sawirku la gaar yahay ayaa in Xasan ku xirtay tuutaha furin dagaal ee uusan ku dhax xiran madaxtooyo ama munaasabad dabbaal deg oo lagu dhigay xarun ciidan.
Xilli Ciidamada Dowladdu iyo kuwa shabaab isku diyaarinayaan dagaallo adag oo go’aamin doona gacan ku heynta goobaha ay Al-shabaab maamulaan ee Mudug iyo Galgaduud, baraha bulsahda waxaa ka socda dagaal maalmihii u dambeeyay ay dowladdu ku gacan sarreysay oo guubaabo iyo dhiirri gelin u badan.