Abidjan (Dawan)- Xulka Qaranka kubadda cagta ee Ivory Coast ayaa ku guuleystay koobka qaramada Afrika markii seddexaad kadib markii ay 2-1 uga badiyeen dhiggooda Nigeria

William Troost-Ekong ayaa goolka kaliya u dhaliyay Nigeria daqiiqadii 38-aad balse Franck Kessié ayaa kasoo bareejeeyay daqiiqadii 62-aad, iyada oo Sebastien Haller uu goolka guusha u dhaliyay marti geliyaasha koobka ee Ivory Coast daqiiqadii 81-aad.

Xulka Ivory Coast ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee tartanka martigeliyay ee qaada koobka tan iyo markii ay Masar ku guulaysatay 2006-dii.

Ivory Coast waxey ka qeyb qaadatay koobka Afrika 24 jeer oo kala ah 1965, 1968, 1970, 1974, 1980, 1984, 1986, 1988, 1990, 1992, 1994, 1996, 1998, 2000, 2002, 2006, 2008, 2010, 2012, 2013, 2015, 2017, 2019 iyo 2023.







