New York (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir godoomiyay Shirka Amniga Soomaaliya oo ka furmay Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York.
Shirkaan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay'ado amni oo si buuxda ula wareega mas'uuliyadda sugidda amniga dalka." ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.







