Addis Ababa (Dawan)- Bangiga Horumarinta Afrika ayaa Jimcihii sheegay in shaqaalihiisa caalamiga ah ee isaga baxay Itoobiya bishii hore in ay dib ugu soo laaban doonaan si ay u billaabaan shaqadooda caadiga ah.
Go'aankan ayaa yimid ka dib markii ay Bangiga iyo Dowladda Itoobia ka heshiiyeen khilaaf soo kala dhax galay dhawaan kaas oo keenay in shaqaalaha caalamiga ah ka baxaan Itoobiya.
Bangigu waxa uu sheegay inuu raali-gelin rasmi ah iyo ballan-qaadyo adag ka helay Xukuumadda Itoobiya iyada oo baaritaano rasmi ah lagu sameyn doono wixii dhacay, si loola xisaabto ciddii ku lugta lahayd.
"Bangiga Horumarinta Afrika waxa uu ku faraxsan yahay kuna kalsoonyahay ballan qaadka adag ee uu shakhsi ahaan sameeyay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed, kaas oo horseeday in la xalliyo xiisaddii jirtay" ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay Bangiga.
Abiy Axmed ayaa sheegay in iskaashiga Xukuumadiisa iyo kooxda Bangiga Horumarinta Afrika uu muhiim u yahay dadaallada wax looga qabanayo cunno yarida.



