Muqdisho, 24 Janaayo 2026 (Dawan)– Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si aqlabiyad leh u meelmariyay Hindise-Sharciyeedka Macdanta, oo lagu tilmaamay mid ka mid ah sharciyada ugu muhiimsan ee dib-u-habeynaya maamulka iyo ka faa’iideysiga kheyraadka macdanta dalka.
Hindise-sharciyeedkan ayaa helay taageero ballaaran, kaddib markii 141 xildhibaan ay u codeeyeen ansixintiisa, labo mudane ay ka horyimid, halka hal xildhibaan uu ka gaabsaday, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur.
Sharcigan cusub ayaa beddelaya xeerkii macdanta ee sannadkii 1984, kaas oo muddo tobannaan sano ah ahaa mid aan la jaanqaadi karin isbeddellada dhaqaale, sharci iyo maamul ee dalka ka hirgalay. Xeerka cusub wuxuu dejinayaa nidaam sharci oo casri ah oo hagaya sahminta, bixinta shatiyada, iyo maaraynta guud ee kheyraadka macdanta, iyadoo xoogga la saarayo hufnaan, isla xisaabtan iyo wadaag caddaalad ah.
"Tani waa maalin taariikhi ah iyo guul weyn oo u soo hoyatay horumarinta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta.
Wasaaraddu waxay sheegtay in sharcigu gacan ka geysan doono ka hortagga macdan qodista sharci-darrada ah, isla markaana uu caddeyn doono sida dakhliga macdanta loo wadaagayo Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada.





