Nairobi (Dawan)- Madaxweynihii kumeel gaarka ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud kulan ku yeesheen magaalada Nairobi ee dalka Kenya, si ay xal uga gaaraan dhowr qodob oo ay isku khilaafsanyihiin dowladda iyo mucaaradka.
Sida uu Shariif Sheegay kulanka waxaa soo agaasimay dad kala duwan oo isagu jira oday dhaqameed iyo wax garad balse doodda waxaa loo daayay labada madaxweyne.
Qodobada ay ka wada hadleen Shariif iyo Xasan ayaa kala ahaa; Arrimaha Dastuurka, Arrimaha siyaasadda iyo mustaqbalka dalka iyo khilaafka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawlad Goboleedka Puntland.
Qoraal uu bartiisa Facebook ku faafiyay ayuu ku yiri, “Dood dheer ka dib, xal waan ka gaari weynay dhamaan qodobadii aan ka doodnay. Waxaan aaminsanahay mabda'a ah in khilaafaadka siyaasadda lagu xalliyo wadahadal iyo isqancin”.
Shariif ayaa intaas raaciyay in marxaladda adag ee dalku ku jiro maanta in ay lagama maarmaan tahay ilaalinta midnimada iyo wada jirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.



