Muqdisho (Dawan)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shir jaraa’id oo ay wadajir u qabteen kaga hor yimid qorshaha dowladda ee ku aaddan ansixinta xeerarka doorashooyiinka qof iyo codka ah, ee la rabo in dalka laga qabto sannadka soo socda.
Labada siyaasi ayaa tillaabadad dowladda ku tilmaamay mid baalmarsan shuruucda iyo dastuurka dalka u yaal.
Shariif Sheekh Axmed, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Himilo Qaran, ayaa fadhiyada wadajirka ah ee Baarlamaanka iyo ansixinta xeerarka doorashooyiinka ku sheegay mid sharci darro, isaga oo tilmaamay in labada gole ay yihiin laba gole oo kala madax bannaan.
Shariif ayaa ku eedeeyey dowladda inay ku kacday ku xadgudubka sharciga, boobka hantida qaranka, iyo burburinta hay’adaha dowladda, gaar ahaan Baarlamaanka. Wuxuu sidoo kale yiri: “Madaxweynaha xilkiisa cid ku haysata ma jirto, waqtigiisa laguma heysto, laakin waxaa lagu heystaa sharciga ow ku tumanayo. Waxaa lagu haystaa hantida qaranka oo uu boobku ku socdo. Waxaa lagu haystaa baabi'inta hay'daha kala duwan ee dowladda ee Baarlamaanku ugu horeeyo ee awooduhoodi la baabi'iyay"
Dhinaca kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir, ayaa dhaliilo kulul u jeediyay Baarlamaanka hadda jira, isagoo sheegay in uu "ka liito Baarlamaankii xilligii kali-taliska." wuxuuna shaki geliyay in xildhibaanada soo xaadira fadhiyada Baarlamaanka ay buuxi karaan kooramka, isaga oo yiri; " Waan ognahay xildhibaanada jooga inaysan 120 ka badnayn oo kooram xitaa aysan dhamayn una badanyihiin wasiiradii xukuumadda iyo dad ay duruufo ku kalliifeen"





