Soomaaliya, 8 Oct. 25(Dawan) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda ku eedeeyay in ay dooneyso in ay disho ama Al-shabaab ay dileen, xilli uu ka hadlayay qorshaha dowladda ay ku dhawaaqday ee xakameynta hubka Muqdisho. Shariif ayaa arintaan ku tilmaamay hub ka dhigis lagu sameynayo mucaaradka taas oo keeni karta ay beylah u noqdaan AL-shabaab, ama xataa ay dowladda qudheeda dili karto sababo siyaasadeed darteed.
“Hubka ka dhigista waxaan u arganaa anaa ku dilaayo ama Al-shabaab ayaa ku dilaayo” ayuu yiri Shariif Sheekh Ahmed oo ka hadalyay kulan ka dhacay muqdisho oo loogu gogol xaarayo banaanbaxyo khamiista ka dhaca caasimadda ay mucaaradka qeyb ka yihiin, taas oo ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ay horay u diideen.
Madaxaweyne hore ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay wax aan la aqbali karin in dowladda ay hadda mucaaradka hubka ka dhigto, isaga oo tilmaamay cabsida ay ka qabaan dowladda qudheeda in ay disho. “Ninka ku dilaayo inuu ku dhaho hubkaa kaa dhigaa wax la aqbali karo mahan.”





