Muqdisho (Dawan)- Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud Culusoow oo la yaqaano ( Sheekh Cusmaan Xiddig) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdihso, sida uu xaqiijiyay Sheekh Cabdifataax Sheekh Abuu Bakar oo ah mas'uulka Jamaacada Sheekh Daa’uud Culusoow.
War-saxaafadeed kasoo baxay Jamaacada oo lasoo gaarsiiyay Dawan TV ayaa lagu yiri; "Jamaacada reer Sheekh Daa’uud Culusoow, waxay tacsi ku aaddan geerida ku timid Alle ha u naxariistee Sheekh Cusmaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud Culusoow ( Sheekh Cusmaan Xiddig), u dirayaan ummadda Islaamka ah guud ahaan iyo ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan, oo caawa geeriyooday kadib socdaal cilmi, (Barasho/Baris/Fidin) iyo wax-bixin xambaarsan ee uu noloshiisa ku soo qaaday"
Dhambaalka tacsida ayaa intaas ku daray in Sheekh Cusmaan uu noloshiisa oo dhan ku qaatay u adeegida diinta islaamka ee saxda ah iyo faafinta tacliinteeda si waafaqsan habka islaamiga ah ee qunyar socodka ah iyo caqiidada saxda ah, isaga oo ka tagay raadad aan dhimanayn.
Waxa ay Jamaacadu iclaamisay in salaadda Janaasada lagula tukan doono magaalada Muqdisho, gaar ahaan Masjid ku yaala Degmada Kaaraan oo lagu magacaabo (Masjidu Shifaa), Salaadda Duhur ka dib.
Sheekh Cusmaan Xiddig ayaa ka mid ah culumada ugu caansan gayiga Soomaaliya, isaga oo qoray buugaag badan, sidoo kalena soo saaray arday badan oo aqoon durugsan u leh diinta, waxaana da'diisa lagu sheegay 84 sano jir.





