Islamabad (Dawan)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan, Sardar Ayaz Sadiiq, ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyaha Xisbiga Dalladda Islaamiga, Shehbaz Shariif loo doortay markii labaad inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.
Sadiiq ayaa bayaan uu maanta oo Axad ah soo saaray ku sheegay in Shariif loo doortay Ra’iisal Wasaare kadib markii uu helay 201 cod, halka 92 Xldhibaan ay u codeeyeen Cumar Ayuub Khan, oo uu taageersan yahay Ra'iisal Wasaarihii hore ee Imran Khan.
Shehbaz Shariif, oo ah walaalka ka yar Nawaz Sharif oo xilkaan soo qabtay saddex jeer, ayaa lagu wadaa in maanlinta Isniinta ah loo dhaariyo xilka muddo shan sano ah.
Fadhiga Baarlamaanka waxaa hareeyay buuq iyo gacan ka hadal dhax maray Xildhibaanada taageersan Xisbigii Imran Khan iyo kuwa kasoo horjeeda.
Doorashada Shariif ayaa ku timid heshiis ay gaareen 5 Xisbi oo kala qeybsan doona xilalaka Wasaaradaha iyo hay'adaha kaal duwan ee Pakistan oo dhan.
Shehbaz Shariif waa madaxa Xisbiga Dalladda Islaamiga, wuxuuna horay u soo noqday madaxa xukuumadda kadib markii uu Baarlamaankii hore kalsoonida kala noqday Ra'iisul Wasaarihii hore ee Imran Khan muddo haatan laga joogo laba sano.






