Dowladda Shiinaha ayaa Talaadadii si rasmi ah u billowday dhoolatusyo milatari oo ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayaan cutubyada ciidamada dhulka, cirka, badda iyo gantaallada, kuwaas oo laga wado agagaarka jasiiradda Taiwan. Taliska Bariga ee Ciidanka Difaaca Shacabka Shiinaha (PLA) ayaa sheegay in tababarradan ay yihiin “digniin culus iyo cabsigelin xooggan” oo loo dirayo xoogagga Taiwan ee u ololeynaya madax-bannaani buuxda.
War rasmi ah oo laga sii daayay warbaahinta dowladda Shiinaha ayaa lagu xusay in ololahan militari uu yahay mid si toos ah uga dhan ah “dhaqdhaqaaqyada kala qeybinta ee khatarta ku haya midnimada dalka”, iyadoo lagu adkeynayo mowqifka Beijing ee ah in Taiwan tahay qayb aan laga go’i karin oo ka mid ah dhulka Shiinaha.
Taiwan oo ka falcelisayWasaaradda Gaashaandhigga Taiwan ayaa dhankeeda ku dhawaaqday in maraakiib dagaal oo uu hoggaaminayo markabka diyaaradaha qaada ee Shandong ay ka muuqdeen meel u dhow xeebaha Taiwan laga bilaabo 29-kii Maarso, iyadoo shalay si toos ah u soo galeen aagga jawaabta difaaca ee Taiwan.
Sida lagu sheegay qoraal ay wasaaraddu ku daabacday barta X (Twitter hore), ilaa 6:00 subaxnimo waqtiga maxalliga ah waxaa la diiwaan geliyay 19 markab dagaal oo Shiinaha leeyahay oo ku sugnaa biyaha u dhow Taiwan.





