Beijing (Dawan)– Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha ayaa Isniintii ku dhawaaqday in Shiinuhu si cad uga soo horjeedo isku day kasta oo lagu kala qaybinaayo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee Beijing u hayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, Lin Jian, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin dowlad xaq u leh inay dhiirrigeliso ama taageerto xoogag gooni-goosad ah oo ka jira dalal kale, si ay u gaarto dano gaar ah. Wuxuu ugu baaqay maamulka Somaliland inay joojiyaan, sida uu hadalka u dhigay, “dhaqdhaqaaqyada gooni-goosadka ah iyo la shaqeynta awoodaha shisheeye”.
Hadalkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay ka heshay Israa’iil Jimcihii aqoonsigii ugu horeeyay, taas oo noqotay tallaabo isla markiiba dhalisay falcelinno kala duwan oo caalami ah. Israa’iil ayaa sidoo kale sheegtay inay doonayso inay kala shaqeyso Somaliland dhinacyo ay ka mid yihiin beeraha, caafimaadka iyo teknoolojiyadda.






