Muqdisho – 8 December 2025- Dowladda Shiinaha ayaa maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay deeq lacageed oo gaaraysa $1 milyan, taas oo loogu talagalay in lagu taageero bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ay abaartu sida xooggan ugu saameysay gobollada dalka. Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeqdan ka guddoomay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu, kadib munaasabad lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Safiir Wang Yu oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa xusay in Shiinuhu uu mar walba garab taagnaa Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in taageeradan cusub ay ka tarjumayso mabda’a daacadnimada iyo niyad wanaagga uu Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping u hayo shacabka Sooomaaliyeed.
“Shiinaha waxa uu diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato wax ka qabashada dhibaatooyinka Soomaaliya ka jira. Taageeradan waxay muujinaysaa saaxiibtinimada dheer iyo wada shaqeynta labada dal,” ayuu yiri safiirku, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Beijing ay diyaar u tahay inay sii kordhiso taageerada istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya.
Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ka hadlay goobta, ayaa si weyn uga mahadceliyay deeqda Shiinaha, isaga oo ku tilmaamay “garab istaag muuqda oo kusoo beegmay xilli ay shacabka Soomaaliyeed wajahayaan duruufo adag.”
“Walaal xilliga loo baahan yahay ayaa la ogaadaa. Shiinaha mar walba wuu nala joogaa, maanta oo dhibaatadu badan tahayna garab istaaggooda aad ayaan u qadarinaynaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha.
Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa sidoo kale sheegay in SoDMA ay saddexdii sano ee u dambeeyay ku tallaabsatay horumar muuqda oo ku saabsan dhismaha awoodda iyo jawaab celinta degdegga ah.
Isagoo tusaale u soo qaatay tababar ay Shiinuhu siiyeen shaqaalaha SoDMA ayuu yiri:







