Beijing (Dawan)- – Shiinaha ayaa ballanqaaday 200 milyan oo yuan (qiyaastii $28 milyan) oo gargaar ah oo uu soo Soomaaliya siinayo. Arrintan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu kulan kula yeeshay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping magaalada Beijing, halkaas oo labada hoggaamiye ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirkooda diblomaasiyadeed iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha horyaalla Soomaaliya.
Labada dal ayaa ku heshiiyay in xiriirkooda diblomaasiyadeed loo beddelo mid istaraatiji ah, taasoo looga dan leeyahy wada-shaqeyn dhow oo hiigsanaysa dhinacyada dhaqaalaha siyaasaddda iyo bulshada.

Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya ay uga go’an tahay mabda’a Shiinaha Halka ah (One China policy), isagoo sidoo kale uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee Shiinaha uu siiyo madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xi ayaa soo bandhigay qorshaha Shiinaha ee ah in la xoojiyo wada-shaqeynta dhinacyada muhiimka ah sida horumarinta dhaqaalaha, fududeynta ganacsiga, sugidda amniga cuntada, ka-hortagga isbeddelka cimilada, iyo horumarinta awoodda shaqaalaha.
Deeqda $28ka milyan ah waxaa loogu talagalay in lagu taageero baahiyaha degdegga ah ee Soomaaliya, in kastoo aan weli faahfaahin dheeri ah laga bixin sida lacagtaasi loo qaybin doono.
“Shiinaha wuxuu diyaar u yahay inuu Soomaaliya la shaqeeyo si loo xoojiyo wada-shaqeynta loona taageero yoolalka horumarineed ee Soomaaliya,” ayuu yiri Xi intii uu kulanku socday, isagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta labada dhinac ee danaha wadaagga ah.








