Muqdisho ( Dawan)- Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa qadka telefoonka uga wada hadlay xaaladda ka dhalatay go’aanka Israa’iil ee aqoonsiga Somaliland.
Wada hadalkan ayaa xoogga lagu saaray muhiimada ilaalinta midnimada qaran iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo labada mas’uul ay si adag u cambaareeyeen gooni-istaagga iyo tallaabo kasta oo khatar gelinaysa danaha aasaasiga ah ee Soomaaliya iyo gobolka.






