Beijing(Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibaddaee ee Shiinaha ayaa caddaysay mawqifkeeda ku aaddan xiisadda diblomaasiyadeed ee sii xumaaneysa taas oo u dhaxeysa Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya kadib heshiiska is-afgaradka ee ay Itoobiya la gashay Somaliland.
Mao Ning, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, ayaa sheegtay in Dowladeedu ay u taagantahay in ay ilaaliso ujeedooyinka iyo mabaadi'da Axdiga Qaramada Midoobay, isla markaana ay taageerayaan ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka.
“Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Shiinuhu waxa uu taageeraya ilaalinta midnimada qaranimo, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya, waxaana rajaynaynaa in dalalka Gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha ka jira Gobolka iyagoo u maraya wadahadal diblomaasiyadeed" ayay tiri, Mao Ning.
Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta kulan la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Fei Shengchao, ayaa ka mahadceliyay mowqifka adag ee Dowladda Shiinuhu ay ku garab istaagtay qaranimada iyo madaxbaaninda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sida ay sheegtay Villa Somalia.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muujiyay muhiimadda ay u leedahay ilaalinta sharuucda caalamiga ah, xasilloonida iyo deganaanshaha Geeska Afrika oo udub-dhexaad u ah nabadda Caalamka.







