Nairobi, 14 December, 2025 (Dawan)- Booliiska Kenya ayaa soo bandhigay faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan shilkii gaari ee subaxnimadii Sabtiga uu ku dhintay xildhibaankii hore ee Lugari, Cyrus Jirongo. Warbixinta rasmiga ah ayaa muujinaysa in shilku uu ka dhacay 3-dii aroornimo waddada weyn ee Nairobi–Nakuru, xilliga Jirongo uu ku sii jeeday caasimadda Nairobi.
Sida lagu sheegay warbixinta, Jirongo ayaa kaxeysanayay gaarigiisa oo ah nuuca Mercedes Benz E350 , markuu shil fool ka fool ah uu la galay gaari bas ah. Taliyaha Saldhigga Taraafikada Naivasha ayaa caddeeyay in baaritaannada hordhaca ah ay muujinayaan in leexashada wadada ay sababtay shilka, iyadoo Jirongo uu ku guuldareystay inuu xakameeyo gaarigiisa.
Waxyar kadib shilka, waxaa goobta gaaray gaadiidka gurmadka balse Jirongo waxaa la sheegay inuu ku dhintay isla goobta, halka rakaabkii baska saarnaa qaarkood ay soo gaareen dhaawacyo fudud.
Meydka Jirongo ayaa la geeyay qolka meydkadka Lee ee magaalada Nairobi, halkaas oo la filayo in lagu sii sameeyo baaritaanno dheeraad ah. Dhimashadiisu waxay dalka gelisay murugo guud, iyada oo hoggaamiyayaasha Kenya ay ku tilmaameen inuu ahaa nin saameyn weyn ku lahaa siyaasadda xilligii ay bilowdeen xisbiyada badan ee dalkaas.




