Jabuuti (Dawan)- Ciidamada Boliiska Jabuuti ayaa fiidnimadii Arbacada waxa ay faah faahin ka bixiyeen shil Bajaaj oo sababay dhimasho iyo dhaawac kaas oo ka dhacay agagaarka xaafadda 4-aad ee caasimadda Jabuuti.
Warbixinta Boliiska ayaa lagu yiri, “Shalay gelinkii dambe waxaa meel aan ka fogeyn xaafadda 4-aad ka dhacay shil khasaare geystay. 1 dhimasho ah (Darawal bajaaj) iyo 7 dhaawac ah oo mid ka mid ah uu yahay dhaawac halis ah"
Boliiska ayaa intaas raaciyay, waa arrin murugo leh, waxaana xasuusineynaa wadayaasha bajaajleyda inay ilaaliyaan sharciyada wadista si ay naftooda iyo dadka kale u nabad galaan.
Boliiska ayaa sheegay in xawliga xad dhaafka ah uu khatar ku yahay wadayaasha iyo rakaabka labadaba, iyada oo ay jirto eedeyn loosoo jeediyay qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka leh seddex lug oo ah in ay qaadaan rakaab ka badan tiradii loogu tala galay.





