Nairobi (Dawan)- Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, halka seddex kale ay ku dhaawacmeen shil gaari oo maanta ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Shilka oo dhacay 6:30 subaxnimo ee maanta ayaa u dhexeeyay labo ka mid ah baabuurta xamuulka qaada oo isku dhacay xilli ay marayeen meel u dhow maqaaxida Ole Sereni, sida aan kasoo xiganay warbaahinta gudaha Kenya.
Labada qof ee dhimatay ayaa kala ahaa wadayaashi gawaarida, waxaana dhaawac culus soo gaaray saddex qof oo kale sida uu sheegay Af-hayeenka adeegga qaran ee Boliiska Resila Onyango.
Boliiska ayaa intaas ku daray in darawalka baabuur ka yimid dhanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu uu gaariga xakameyn waayay taas oo keentay in ay isku dhacaan baabuur kale oo ku soo wajahnaa.





