Soomaaliya, 21 Sebteembar 2025 – Maamulka Puntland ayaa Axaddii magaalada Garowe ku daah-furay shir nabadeed oo socon doona saddex maalmood, kaas oo looga hadlayo sida isbeddelka cimiladu u sii hurinayo khilaafaadka iyo amniga Soomaaliya.
Shirka Sanadlaha ah ee Nabadda waxaa qabanqaabiyay Xarunta Cilmi-baadhista Horumarinta Puntland (PDRC) oo ah urur aan dowli ahayn (NGO) oo ka shaqeeya cilmi-baarista iyo nabad-dhiska. Shirka ayaa soconaya 21–23 Sebteembar, waxaana halku-dhig looga dhigay “Cimilada, Nabadda, iyo Amniga: Dhisidda Mustaqbal Nabdoon iyo Adkaysi leh.”
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyas Osman Lugatoor, ayaa shirka furay isagoo ku dhawaaqay in ciidan cusub loo xilsaarayo ilaalinta deegaanka:
“Puntland waxay hadda tababar u soo xidhay 1,000 askari, kala bar waa jaamiciyiin. 180 ka mid ah waxaa loo qoondeyn doonaa ilaalinta deegaanka iyo ka hortagga xaalufka,” ayuu yiri.
Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland, Maxamed Faroole, ayaa xaalufka deegaanka ku tilmaamay sababta ugu weyn ee dhibaatooyinka soo noq-noqda:
“Abaaraha daba dheeraaday, isbeddelka xilli roobaadka, isbeddelka cimilada iyo aafooyin kale oo badan waxaa hormuud u ah xaalufka deegaanka,” ayuu yiri Faroole.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Farax Juxa, ayaa isna carrabka ku adkeeyay muhiimadda maamulka iyo dowlad dhiska isagoo isku xiray labadooda.
“Haddii aan la sixin siyaasadda iyo dowlad dhiska, dhibaatooyinka amni iyo isbeddelka cimiladu waxba lagama qaban karo,” ayuu yiri Juxa.
Shirka waxaa taageeraya Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya, Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Puntland, Iskaashiga Horumarinta Switzerland, iyo wasaaradaha Puntland ee Deegaanka, Arrimaha Gudaha iyo Amniga.
Agaasimaha ku-meelgaarka ah ee PDRC, Cabdinaasir Yuusuf, ayaa hoosta ka xarriiqay baahida degdegga ah ee istaraatiijiyado cusub oo lagu wajahayo nabad-dhiska iyadoo la tixgelinayo cadaadisyada cimilada:
“Khilaafaadka cimiladu sababo waxay u baahan yihiin xal isku dara dhexdhexaadin, maamulka iyo istaraatiijiyado horumarineed – kuwaas oo soo celin kara nolol maalmeedka, xoojin kara adkaysiga, isla markaana abuuri kara rajo mustaqbal,” ayuu yiri.
Inta lagu jiro saddexda maalmood, ajandaha shirka waxaa ka mid ah lix dood fagaare ah, siddeed waraaqo cilmiyeed, iyo waayo-aragnimo bulshooyin ka kala yimid guud ahaan Soomaaliya iyo gobolka waqooyi-bari Kenya, oo ay ku jiraan xoolo-dhaqato iyo qoysas barakacayaal ah.
Qabanqaabiyayaashu waxay sheegeen in natiijooyinka shirka lagu dari doono talooyin heer qaran iyo heer deegaan oo ku saabsan nabad-dhiska, adkaysiga cimilada iyo hannaanka maamulka. Madaxweynaha Puntland, Said Cabdullaahi Deni, ayaa lagu wadaa inuu soo xiro shirka 23-ka Sebteembar, iyadoo la filayo in lagu soo saaro war-murtiyeed ka turjumaya talooyinka ugu muhiimsan.