Muqdisho (Dawan) – Dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xooggan ayaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, xilli la qorsheeyay in maanta oo Arbaco ah uu dhaco kulan u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabiixnta Soomaaliya.
Ilo-wareedyo u hadlay Dawan ayaa sheegay in guddiga wadajirka ah ee loo xil-saaray diyaarinta war-murtiyeedka laga yaabo in laga soo saaro natiijada kulanka, ay laba jeer isu yimideen labadii maalmood ee la soo dhaafay, balse aan weli gaarin heshiis wax ku ool ah.
Guddigan oo ka kooban lix xubnood ayaa waxaa dowladda uga jira Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka Caddaaladda Xasan Macallin Maxamuud, iyo Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir; halka mucaaradka ay uga jiraan Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.
Dhanka kale, xubnaha mucaaradka ayaa shirar gaar-gaar ah ku yeeshay hoyga Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble, si ay isu waafajiyaan mowqifyadooda isla markaana u diyaariyaan jawaabo suuragal ah haddii wada-hadalladu fashilmaan.



