Muqdisho (Dawan)- Waxaa magaalada Muqdisho ka fumray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo ay goob joog ka yihiin Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir marka laga reebo Puntland.
Sida qoraal kasoo baxay Villa Somaliya lagu sheegay, Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.
Waxaa sidoo kale looga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.






