Dowladda Goboleedka Puntland ayaa horay u qaadacay inuu ka qayb galo shirarka Golaha Wadatashiga Qaran oo inta badan looga hadlo arrima masiiriga ah ee dalka sida siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.
Kulanka maanta waxaa goobjoog ka ah madaxda dowlad goboleedyada kala ah Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, iyo Galmudug oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre iyo ku xigeenkiisa, Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale ka qeybgalaya shirka, oo looga gol leeyahay in lagu dejiyo qaabka doorasho ee la doonayo in dalka laga hirgeliyo mustaqbalka dhow.
Maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland ayaa loo arkaa inay keeni karto in shirka ay kasoo baxaan go'aano u gaar ah dhinacayda hadda jooga shirka oo kaliya taas oo meesha ka saareysa in la gaaro heshiis loo dhanyahay oo dalka looga qabto doorasho isku mid ah.