JABUUTI, 30 Sebtembar 2025 – Jabuuti iyo Itoobiya ayaa ku heshiiyay tallaabooyin cusub oo lagu horumarinayo ganacsiga marinka wadaagga ah, kaas oo ah halbowlaha ugu weyn ee Itoobiya ku soo gasho badeecadaha iyo adeegyada. Tallaabooyinkan ayaa lagu dhawaaqay shirkii labaad ee heer ganacsi ee Jabuuti iyo Itoobiya oo Isniintii ka furmay Jabuuti isla markaana sii soconaya ilaa maanta, qaybna ka ah barnaamij €32 milyan ah oo ay maalgelisay Midowga Yurub.
Aynalem Abayneh, Ku-xigeenka Madaxweynaha Rugta Ganacsiga Itoobiya, ayaa ku tilmaamay marinkan inuu yahay tiir muhiim u ah isdhexgalka gobolka. “Marinka Itoobiya–Jabuuti ma aha oo keliya wado isku xirta labada dal. Waa halbowlaha isdhexgalka gobolka, waa buundo iskaashi oo xoojinaysa xiriirka iyo mustaqbalka dadkeenna,” ayuu yiri.
Gerald Hatler oo ku hadlayay magaca Midowga Yurub ayaa xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee barnaamijka. “Ujeeddadu waa in marinkan loo beddelo tusaale Aagga Ganacsiga Xorta ah ee Afrika (AfCFTA), ganacsi deegaan ahaan waara, isla markaana abuura fursado, ka mid noqosho iyo hufnaan wada jir ah oo u fidda Geeska Afrika iyo wixii ka baxsan,” ayuu sheegay.
Dhanka Jabuuti, Yuusuf Muusa Dawaleh, Madaxweynaha Rugta Ganacsiga Jabuuti, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga. “Aan ka dhigno iskaashiga Jabuuti–Itoobiya mid u noqda barwaaqo wadaag iyo tusaale iskaashi goboleed iyo qaaradeed,” ayuu u sheegay ka-qaybgalayaasha.





