Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
Shirkan ayaa kusoo beegmaya iyada oo Soomaaliya dhawan laga cafiyay malaayiin dollaar oo deyn ah, caqabadna ku ahayd maalgashiga dalka iyo sidoo kale ku biirista ururka dhaqalaha Bariga Afrika.
Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu sheegay in Soomaaliya ay tahay dal qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumaddiisu ku bixineyso dadaal dheeraad ah soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseedi kara isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ah in ay ka faa’iideystaan fursadaha ka jira Soomaaliya, isaga oo ballan qaaday in shuruucda maalgashiga ee dalku damaanad siinayaan maalgashigooda.






