Ceel Afweyn, Sanaag – Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay Shirka Nabadaynta Qaran ee Ceel Afweyn, kaas oo looga gol leeyahay in xal waara laga gaadho colaadaha soo noqnoqday ee deegaanka.
Shirkan oo ka furmay Masjid Jaamaca ee Degmada Ceel Afweyn, ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Guddiga Nabadda Somaliland, iyada oo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo heshiis rasmi ah loo dhex dhigi lahaa beelaha ku dagaallamay deegaanka.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa bogaadiyay dedaalka Guddiga Nabadda, isaga oo xusay inay door muhiim ah ka qaateen nabadaynta gobolka.
Xukuumadda oo Ballanqaaday Hirgelinta Heshiiska
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa tilmaamay in nabadu tahay tiirka horumarka bulshada, loona baahan yahay in si daacadnimo leh loo wada shaqeeyo si loo xaqiijiyo xasilloonida deegaanka.
Madaxweyne Ku-xigeenka waxa uu caddeeyay in nabadaynta Ceel Afweyn aanay la mid ahayn qaramaynta, wuxuuna yiri:



