Jabuuti (Dawan)- Shirka 41 -aad ee madaxda Urur Goboleedka IGAD ayaa ka maanta oo Sabti ah ka furmaya dalka Jabuuti, iyada oo mas'uuliyiinta dowladaha xubnaha ka ah ururkaan ay gaareen magaalada Jabuuti saacadihii ugu dambeeyay.
Shirkaan ayaa looga hadli doona danaha dowladda Bariga Afrika ee ku midyesan Ururka IGAD, iyada oo si gaar ah xoogga loo saari doono arrimaha amniga iyo xasiloonida gobolka.
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Jabuuti, waxaana lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo guulihii ugu dambeeyay ee ay dowladda Soomaaliya ku tillaabsatay sida ku biirista Ururka Bulshada Bariga Africa iyo go'aankii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya looga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneed in ka badan 30 sano.

Madaxda urur goboleedka IGAD ayaa sidoo kale lagu wadaa in ay diiradda saaraan xaaladda dalka Suudaan iyo sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalka u dhaxeeya ciidamda dowladda iyo kuwa kasoo horjeeda.





