Puntland (Dawan) – Shirkadda isgaarsiinta ee Golis Telecom ayaa $150,000 ku wareejisay Guddiga Gurmadka Abaaraha Puntland, iyadoo taageeradan loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen xaaladaha abaarta ee ka jira deegaannada Puntland.
Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud, oo ka hadlay munaasabad lagu guddoonayey deeqda ayaa uga mahadceliyay shirkadda Golis kaalinta ay ka qaadatay gurmadka abaaraha, isaga oo xusay in shirkado kale oo ganacsi ay sidoo kale ka qayb qaateen dadaallada gurmadka.
“Maanta waxaan ka guddoonnay shirkadda Golis lacag dhan $150,000 oo ay si gaar ah u bixisay, waxaana jira shirkado kale oo iyaguna wax ku darsaday. Runtii aad ayaan ugu mahadcelineynaa shirkadda Golis,” ayuu yiri wasiirku.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay weli ku jirto xilli abaareed, iyadoo roobabku aysan weli ka da’in deegaanno badan, taas oo sii adkaynaysa xaaladda nololeed ee dadka miyiga ku nool.
“Roob weli lama helin, dadkeennuna wali waa noo baahan yihiin. Dadkii miyiga joogay maalinba maalinta ka dambeysa abaartu waa ka sii kululaaneysaa,” ayuu yiri.







