Puntland (Dawan)- Dalladaha ganacsatada Puntland ayaa isugu yimid maalintii Sabtida si ay uga wada hadlaan culeyska dhaqaale ee ka dhashay colaadda Bariga Dhexe, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Rugta Ganacsiga, Warshadaha, iyo Beeraha ee Puntland.
Rugta ayaa sheegtay in shirka wadatashiga ah ee ka dhacay magaalada dekadda leh ee Boosaaso diiradda lagu saaray "caqabadaha sii kordhaya" ee ka dhashay xiisadaha Bariga Dhexe, gaar ahaan kuwa khuseeya ganacsiga badda, qiimaha badeecadaha, kharashka gaadiidka, iyo silsiladaha saadka.
"Xaaladda amniga ee waddooyinka badda waxay kordhisay kharashka ganacsiga, taas oo saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha iyo nolosha bulshada," ayay Rugtu ku tiri war-saxaafadeedkeeda.
Bayaanka ayaa lagu xusay in ka qaybgalayaashu ay si gaar ah uga doodeen doorka bulshada ganacsiga ee Puntland inta lagu jiro xilliyada adag, "gaar ahaan xilli dalku uu wajahayo abaro saameeyay qaybo badan oo dadweynaha ka mid ah."








