Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay taageero lacageed oo dhan $288,000 sanadkii, taasoo loogu talagalay iskuullada dowladdu maamusho ee ka howlgala magaalada Muqdisho, si loo xoojiyo adeegyada waxbarashada lacag-la’aanta ah ee caasimadda.
Ku dhawaaqistan waxaa sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, xilli uu booqasho ku tagay xarunta Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, halkaas oo sidoo kale lagu soo bandhigay dayactir lagu sameeyay xarunta.
Muungaab ayaa sheegay in maamulka gobolka uu saxiixay lacagtaas todobaad ka hor si loo taageero kharashaadka hawlaha iskuullada, iyadoo dowladda federaalku ay bixiso mushaharka macallimiinta.
“Waxaan saxiixay todobaadkii hore $288,000 oo loogu tala galay iskuulladani si ay ugu daboolaan kharashaadka shaqadooda sanadkii, halka dowladda federaalku ay bixiso mushaharka macallimiinta. Waxaan qorsheyneynaa inaan sanad kasta sii wadno taageeradan,” ayuu yiri Muungaab.
Sida uu sheegay duqa Muqdisho, 48 iskuul oo dowladdu maamusho ayaa ka howlgala Muqdisho, kuwaas oo bixiya waxbarasho lacag-la’aan ah si carruurta ku nool caasimaddu ay si fudud waxbarasho ku helaan.








