Muqdisho (Dawan) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tabeelayaasha ganacsiga ee lagu dhejiyo waddooyinka magaalada Muqdisho uga faa’ideysanaya il dakhli oo canshuureed, isla markaana ka qayb qaata hagaajinta bilicda magaalada, haddii si nidaamsan loo maareeyo loona casriyeeyo.
Arrintan ayaa timid kaddib kormeer ay masuuliyiinta maamulka gobolka ku sameeyeen Waddada Maka Al-Mukarrama iyo xaafadaha ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Waaberi, kormeerkaas oo uu hoggaaminaysay Agaasimaha Waaxda Canshuuraha Maamulka Gobolka Banaadir, Hiba Fareey, oo ay wehliyaan guddoomiyeyaasha labada degmo.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in kormeerka lagu qiimeynayay xaaladda tabeelayaasha iyo boorarka xayeysiiska ee ganacsiyadu ku dhejiyaan jidadka iyo xaafadaha magaalada, iyadoo la ogaaday in qaar badan oo ka mid ah ay duugoobeen ama aan si nidaamsan loo diiwaangelin.
Hiba Fareey ayaa tilmaamtay in magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka ay u baahan tahay tabeelayaal casri ah oo si wanaagsan loo habeeyey, si ay uga qayb qaataan muuqaalka iyo bilicda magaalada.
“Sida aad u jeedaan caawa waxaan kormeer ku sameynay jidka Maka Al-Mukarrama iyo xaafadaha degmooyinka Hodan iyo Waaberi. Ujeedka kormeerkan waa in ganacsatada loo sheego in tabeelayaasha ay ku xayeysiistaan ganacsigooda la casriyeeyo si magaalada u yeelato muuqaal wanaagsan,” ayay tiri.








