Jig-jiga (Dawan)- Magaalada Jig-jiga ee caasimadda dowlad deegaanka Soomaaliada ayaa martigelisay Shirweynaha 32-aad ee Waxbarashada dalka Itoobiya.
Shirka ayaa looga doodaya kor-u-qaaddida tayada waxbarashada, soo saarista cududa waxbaratay, daryeelidda macalimiinta, wacyi-gelinta bulshada ee dhanka waxbarashada iyo baahinta manhajka ardayda.
Mas'uuliyiin ka kala socota dowladda federaalka, maamul goboleedyada iyo bahda waxbarashada ayaa isagu yimid shirka si ay xal ugu helaan dhibaatooyinka dhanka waxbarashada ah ee ka jira Itoobiya.
Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan ayaa sheegay in shantii sano ee lasoo dhaafay horumar la taaban karo laga sameeyay dhanka waxbarashada, isaga oo xusay in 573 Dugsi oo isugu jira dugsiyo hoose, dhexe iyo sare laga dhisay dowlad deegaanka Soomaalida.
Ibraahim Cusmaan ayaa intaas raaciyay in ay dadaal xooggan geliyeen sidii waxbarashada loo gaarsiin lahaa deegaan kasta si jiilka cusub ay u helaan fursad ay wax ku bartaan.




