Shirweynaha dhamaystirka dhismaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah uga furmaya magaalada Laascaanood, kaddib laba jeer oo uu dib u dhacay. Shirka oo muhiimad weyn u leh mustaqbalka maamulka iyo qaab-dhismeedka siyaasadeed ee SSC-Khaatumo ayaa wajahaya duruufo adag oo siyaasadeed iyo bulsho.
Shirkan oo markii hore lagu waday inuu furmo Khamiistii iyo Sabdigii ayaa dib u dhacay sababo la xiriiray arrimo farsamo, sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta ee maamulka SSC-Khaatumo, Najiib Barkhadle Warsame waxa uu sidoo kale sheegay in Axadda uu furmayo Shirka.
Baaqashada shirka ayaa si weyn loogu sababeeyay khilaafaad u dhexeeya beelaha dega SSC, kuwaas oo salka ku haya matalaad siyaasadeed iyo qeybsiga awoodda iyadoo Dowladda Dhxe oo ku sugana Laascaanood oo xarun u ah maamulka ayaa tan iyo Khamiistii waday kulamo beelaha dega deegaank ay la yeelanayeen.
Sidoo kale shirka ayaa wajahaya diidmooyin ka imaaneysa qaar ka mid ah musharraxiinta madaxweynaha SSC-Khaatumo oo shaaciyeen inaysan ka qeeb galeen, iyaga oo ku eedeeyay madaxda hadda talada haysa iney "ku tuntay heshiisyadii iyo sharciyaddii maamulka."





