Muqdisho (Dawan)- Kadib aqbalaaddii codsigii Soomaaliya ee ku biirista Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC), waxaa si kala duwan uga hadlay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo ay ku jiraan kuwa soo qabtay xilal waaweyn, sida madaxweyne.
Haddaan ku billawno Madaxweynihii xilligii kumeel gaarka, Shariif Sheekh Axmed ayaa soo dhaweyay ku biiristta EAC, isaga oo sheegay in guusha la gaaray ay soo billaabatay 2011, xilligii uu madaxweynaha ahaa, wuuxuna yiri " Waxaan soo dhawaynayaa guusha laga gaaray dadaalkii soo billowday 2011 ee ku biirista Dallad Bulshada Bariga Afrika (EAC)".
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ku biirsita Bulshada Bariga Afrika ay ka caawin doonto dadka Soomaaliyeed isu socodka wadamada ku mideysan dalladaan, ganacsiga iyo suuqa xorta ah maadaama dadka Soomaaliyed yihiin dad ku firfircoon dhanka ganacsiga.
Ra'iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble ayaa isaguna bartiisa Facebook kusoo qoray "Waxaan Shacabka Soomaaliiyeed ugu hambalyeynayaa ku biirista Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta (Jimco) si rasmi ah uga mid noqotay Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ah cudud dhaqaale oo muhiim u ah maalgashiga, koboca dhaqaale iyo isu socodka shucuubta gobolka Bariga Afrika".
Rooble ayaa ku bogaadiyay hoggaanka dowladda dadaalkii ay ku bixiyeen ka mira dhalinta guushaan lawada sugaayay ku dhawaad 11 sano, isaga oo yiri " Waa guul weyn oo u soo hoyatay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan ku bogaadinayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkii uu ku bixiyay xaqiijinta guushaan taariikhiga ah ee muhiimka noo ah"
Dhanka kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u arka in Soomaaliya aysan ka faa'iideysan karin fursahada jira maadama aysan lahayn afkaar, adeeg, iyo badeecad buuran oo ay suuq geyso.






