Muqdisho (Dawan)- Maamulka Dekedda Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay sida uu u shaqeeyo iskaashiga u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo shirkadda Albayrak ee laga leeyahay dalka Turkiga, oo muddo ka badan toban sano ku lug lahayd maareynta iyo horumarinta dekedda ugu weyn dalka.
Maareeyaha Dekedda Muqdisho, Maxamed Cali Nuur (Americo), oo u warramay barnaamijka Miizaan Podcast ee Dawan Media, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay horay shirkadda Albayrak ula gashay heshiis 10 sano ah, kaas oo u oggolaanayay inay wadajir u maamulaan dekedda, isla markaana shirkaddu maalgelin ballaaran ku sameyso kaabeyaasha iyo howlaha dekedda.
Americo ayaa xusay in muddadii uu heshiiskaasi socday ay shirkaddu door muuqda ka qaadatay horumarinta dekedda, gaar ahaan dhismaha, tababarka shaqaalaha, casriyeynta qalabka, iyo kordhinta dakhliga. “Tobankii sano ee lasoo dhaafy wax fiican ayay noo qabatay. Waxyaabihii ay soo kordhisay waxaa ka mid ahaa in bishii lacagta soo gasha (dowladda) ay aad u badatay. In dekedda Muqdisho si fiican loo dhisay oo ay maalgelin fiican geliyeen.,” ayuu yiri.
Maareeyuhu wuxuu intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay hadaf cad ka leedahay in mustaqbalka dhow ay si buuxda ula wareegto maamulka dekedda. Sida uu sheegay, heshiis cusub oo hadda lala galay Albayrak waa mid soconaya saddex sano, kaas oo uu tilmaamay inuu yahay marxalad kala guur ah.





