Muqdisho (Dawan)- "Sokeeyaheena iyo shisheeyaheena anagaa kala xulaneyno" sidaas waxaa barahiisa bulshada kusoo qoray wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur xilli uu soo dhawaynay Markab nuuca dagaal oo laga leeyahay Masar kaas oo kusoo xirtay dekedda Muqdisho
Wararka la helayo waxay tibaaxayaan in markabku siday hub iyo saanad ciidan oo kala duwan, inkasta oo aan la ogayn nuuca hubka iyo tiradiisa.
"Soomaaliya waxay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay" waa farriin dadbadan oo wasiirku u diray mas'uuliyiinta Itoobiya.
Markabkan ka yimid Masar ayaa qayb ka ah hirgelinta heshiiskii iskaashiga difaaca ee ay labada dal kala saxiixdeen bishii August ee la soo dhaafay, markii madaxweyne Xasan Sheekh booqday Qaahira.
Jimcadii lasoo dhaafay, waxaa Muqdisho soo gaaray dhaqaatiir Masaari ah oo leh takhasusaad kala duwan kuwaas oo ka qayb qaadanaya qalliimo si lacag la'aan ah loogu fulinayo isbitaalka De Martiini





