Muqdisho (Dawan)- Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa xalay fuliyay howlgal lagu tilmaamay mid qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Buula Fuulay ee gobolka Baay, halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 20 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegtay dowladda.
Ciidamda oo watay laba diyaarad oo qumaatiga u kaca ah, ayaa beegsaday xerooyin ay degganaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ilo gudaha ah oo ka tirsan deegaanka ayaa xaqiijiyay in rasaas xoogan laga maqlay duleedka magaalada intii uu howlgalka socday
Howlgalka oo ahaa mid si gaar ah loo soo agaasimay ayaa lagu qaaday xerooyin ay ku sugnaayeen horjoogayaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo Buula Fuulay u adeegsaday xarun muhiim ah oo ay ka abaabulaan falalka amni-darro ee ka dhaca gobolka.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, ciidamadu waxay howlgalka ku galeen laba diyaaradood oo qumaatiga u kaca ah, waxaana intii uu socday laga maqlay duleedka deegaanka rasaas culus.







