Addis Ababa (Dawan)- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay toddobo qof oo lala xiriirinayo afduubkii loogu gaystay magaalada Addis Ababa nin ganacsada ah.
Ninka la afduubatay oo lagu magacaabo Engidaw Wudu ayaa ka mid ahaa dadka dhoofiya Bunka, waxaana laga afduubtay hoygiisa oo ku yaal deegaanka Bole Bulbula 93 Mazoriya, iyada oo loo kaxaystay magaalada Awash Melaksa ee gobolka Oromia.
Sida laga soo xigtay Warbaahinta Itoobiya, Afduubayaasha ayaa markii hore dalbaday lacag madaxfurasho ah oo dhan 100 milyan oo lacagta dalkaas ah balse wadaxaajood dheer kadib waxay qoyskiisa kula heshiiyeen 20 milyan oo Birr, taas oo la bixiyay.
Sirdoonka dalkaas oo kaashanaya laamaha amniga ee kale ayaa hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen ku soo qab-qabtay Eedaysanayaashan oo ku sugnaa magaalada Adama.
Laamaha amniga ayaa sidoo kale soo bandhigay hub kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha daran dooriga u dhaca iyo lacag aad u badan oo isugu jirta lacgta Itoobiya iyo Doollarka Mareykanka.



