Garissa (Dawan)- Siyaasiyiin xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Waqooyi-Bari Kenya ayaa sheegay in ay sameeyeen Madal cusub oo wax looga qabanayo dhibaatooyinka ka jira gobolka sida amni xumada iyo baaritaanka sunta nukliyeerka ah ee lagu daadiyay gobolka Waqooyi-Bari.
Madasha ayaa sidoo kale diiradda saari doonta horumarinta arrimaha bulshada iyo mashaariicda oo ay ugu horeeyaan dhismaha waddooyinka gobolka.
Goddoomiyayaal iyo Xildhibaano hore looga soo doortay ismaamulada Garissa, Wajeer, iyo Mandheera ayaa ku mideysan Madashan cusub kuwaas oo sida ay sheegeen u istaagay in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ay bulshadu ka cabaneyso ee dhanka hormarka
Barasaabkii hore ee Garissa Cali Bonow Korane oo waxyabaha shirka ka soo baxay u akhriyay warbaahinta ayaa sheegay in Madashan ay ku bahoobeen dhammaan madaxdii hore ee gobolka, iyada oo soo bandhigi doonta jawi siyaasadeed oo ku habboon si loo gaaro horumarka dhaqan-dhaqaale ee gobolka ee aad loogu baahan yahay.
Dhanka amniga, wuxuu xusay in kooxda Al-Shabaab ay weli caqabad weyn ku tahay horumarka iyo hore u socodka gobolka.




