Soomaaliya, 6 Nofeembar 2025 — Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa maanta gargaar bani’aadanimo gaarsiisay degmada Ceel Dheer ee gobolka Galgaduud, si loo caawiyo bulshooyinka ay saameeyeen dagaallada iyo barakaca ka dhashay dagaallo deeganka ka dhacay.
Gargaarkan oo ka koobnaa afar gaari oo sida raashin, gaar ahaan bariis, ayaa si rasmi ah loogu wareejiyay maamulka degmada iyo odayaasha deegaanka, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil ka socotay SoDMA iyo isu-duwaha masiibooyinka ee degmada Ceel Dheer.
Odayaasha iyo maamulka degmada ayaa uga mahadceliyay SoDMA jawaabta ay ka bixisay codsigii ay hore u gudbiyeen, iyagoo hay’dada dhankeeda ay sheegay in ay mar walba garab garab taagan tahay bulshada marka ay jiraan xaalado degdeg ah.







