Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku heshiiyey mashruuc shaqo abuur oo lagu shaqaaleysiin doono in ka badan 10,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo laga howlgelin doono gudaha dalka Qatar.
“Soomaaliya iyo Qatar ayaa ku heshiiyey mashruuc lagu shaqaaleysiin doono in ka badan 10,000 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, kuwaas oo ka howlgeli doona gudaha dalka Qatar. Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya ayaa heshiiskan ku yeeshay magaalada Dooxa ee dalka Qatar,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA.
Heshiiskan ayaa ka dhashay wada-hadallo rasmi ah oo magaalada Dooxa ku dhexmaray wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya, Yuusuf Maxamed Aadan, iyo madaxda Wasaaradda Shaqada ee Dowladda Qatar. Ujeeddada mashruuca ayaa lagu sheegay in kor loo qaado fursadaha shaqo ee dhallinyarada Soomaaliyeed.



