By Sayyid Omar
Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah u soo jeedisay hindise ay ku siineyso Mareykanka heshiisyo gaar ah oo ku saabsan sal-dhigyo militari iyo ilo dhaqaale oo muhiimka ah, oo ay ka mid yihiin Garoomada Balidogle iyo Berbera iyo Dekadaha Berbera iyo Boosaaso, si loo xoojiyo xiriirka labada dal.
Qoraal ku taariikhaysan Maarso 16, 2025, oo loo diray Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump, ayay Soomaaliya ku xustay muhiimadda iskaashiga labada dal.
“Soomaaliya waxay muddo dheer ahayd saaxiib la isku haleyn karo oo gacan ka geysta xasilloonida gobolka iyo fududeynta marin u helidda istiraatiijiga ah ee gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sheegtay in dalabkan uu ujeedkiisu yahay in Mareykanku uu xoojiyo joogitaankiisa militari ee Geeska Afrika. Warqadda ayaa xustay in goobaha istiraatiijiga ah ee Soomaaliya ay siinayaan Mareykanka ay tahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo hawlaha militari iyo sahayda, isla markaana la xakameeyo awoodaha tartan ka jira gobolka.



