Hargeysa(Dawan)- Somaliland ayaa cambaareysay go'aanada kasoo baxay qaybo ka mid ah hay'adaha Soomaaliya kuwaas oo lagu amray shirkadaha xawaaladaha iyo shirkadaha diyaaradaha ee Ethiopian Airlines iyo Fly Dubai inay adeegsadaan magaca Soomaaliya halki ay isticmaali jireen xilligi hore Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, ahna afhayeenka Xukuumadda Somaliland, Cali Xasan Maxamed ayaa ku tilmaamay go'aankaas mid lagu carqaladaynayo adeegyada ay bixiyaan shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala gudaha Somaliland.
" Waraaq bay ku dagaalmayan hadda Xasan Sheekh iyo dowladdiisu. Itaalka ay hayaan iminka waa intaas. Haddii ay hayan diyaarado mey sugeene, beri hore ayay diyaarado nagu soo kici lahaayeen" ayuu yiri, wasiirka warfaafinta.
Wasiirka ayaa dignii u diray ciddii fulisa amarka kasoo baxay dowladda Soomaaliya, isaga oo sheegay in lagula xisaabtami doono dambiga ay ka galeen Somaliland iyo shacbkeeda " cidda ka maqasha ee ku dhaqanta ama fulisa ee tixgelisa warqadahooda, waxay dambi ka galeen Somaliland iyo shacabkeeda"



