Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa walaac xooga ka muujisay hubka soo gelaya Soomaaliya kadib markii laba maalin ka hor lagu boobay magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galguduud hub ay dowladdu sheegtay in si sharci darro ah lagu soo geliyay dalka, lagana keenay dhanka Itoobiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa sheegtay in xaaladda ammaan ee Soomaaliya sii xumaanayso kadib markii ay Al-shabaaab guulo ka gaartay ciidamada dowladda saddexdii bilood ee la soo dhaafay, sidoo kalena ay dad rayid ah iyo maleeshiyo beeleed ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanado kale oo badan.
"Arrimahan waxay xasuusin dhab ah u noqonayaan walaaca xukuumadda Somaliland iyo dowladaha kale ay ka qabeen in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya. In kasta oo aan digniino adag bixinay, haddana cunaqabataynta ayaa la qaaday bishii Diseembar 2023" ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland
Somaliland ayaa tilmaamtay in xukuumadda Soomaaliya ay awoodi waysay inay xakamayso hubka ku jira gacanteeda iyo kan kale ee ay haystaan beelaha, waxeyna ugu baaqday Qaramada Midoobay iyo beesha caalamka inay si degdeg ah dib u qiimeeyaan go’aanka ay kaga qaadeen Soomaaliya cunaqabataynta hubka.






