Shire Abdi
Hargeysa, Somaliland – Hay’adda Dhawrista Tayada Somaliland ayaa soo saartay amar cusub oo la xiriira tayada iyo cimriga badeecadaha soo galaya, iyadoo dib u habayn iyo cusboonaysiin ku samaysay xeerarkii hore. Wareegtadan, oo soo baxday 16-kii Febraayo 2025, ayaa si gaar ah u saameynaysa cuntada, dawooyinka, iyo agabka qurxinta ee loo soo dhoofiyo Soomaaliland.
Sida ku cad xeerarkan cusub, cuntada soo galaysa Somaliland waa in ugu yaraan 60% cimrigooda guud uga harsan yahay marka ay gaaraan xuduudaha, dekedaha, iyo madaarrada. Dawooyinku waa in ay u harsan tahay inta u dhaxaysa 50% ilaa 60% cimrigooda guud marka ay soo galaan Somaliland, halka agabka qurxinta uu ugu yaraan 50% cimrigooda uga harsan yahay marka la keeno.
Wareegtadan cusub ayaa faraysa dhammaan ganacsatada inay u hoggaansamaan shuruudaha cusub. Cid kasta oo aan u hoggaansamin waxa laga qaadayaa tallaabo sharci ah.





