Hargeysa (Dawan) – Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Maxamed Cali Aw Cabdi, ayaa daah furay Barnaamijka Daahfurka Rasmiga ah ee Hagaha Maalgashiga Somaliland, kaas oo qeexaya fursadaha maalgashi, siyaasadda maalgashiga, iyo dhiirrigelinta maalgelinta gudaha iyo dibadda.
Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku wehliyay Munaasabadda daahfurka Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, ganacsato, aqoonyahanno, iyo marti kale, waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha somaliland
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa maalgashiga ku tilmaayay midka ugu muhiimsan ee Somaliland isaga oo ku tilmaamay furaha albaabka laga soo galo Somaliland, hadal lagu dhiira galinayay maalgashiga.





