Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa sheegtay inay dhistay guddi heer wasiir ah oo loo xilsaaray dedaallada lagu baadi goobayo inay beesha caalamka uga hesho aqoonsiga ka maqan muddo ka badan 30 sano
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo lagu baahiyay barteeda X ayaa lagu sheegay in tillaabo muhiim ah loo qaaday dhinaca helitaanka aqoonsiga caalamka
Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in dhisidda guddigan ay xiriir la leedahay hindisayaasha xukuumadda ee lagu hirgelinayo heshiiskii isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya wada galeen 1-dii bishii January 2024 kuna saabsanaa in Itoobiya hesho saldhig millatari oo dhanka badda ah.



