Hargeysa (Dawaan)- Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa farriin la xiriirta doorashooyinka u dirtay qurba-joogta, iyada oo ugu baaqday in ay ka fogaadaan waxyaabaha dhalin kara kala qaybsanaanta iyo dhibaato bulshada dhaxdeeda ah.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in qurba-joogta Somaliland ay kusii badanayaan wararka kala qaybinaya bulshada kuwaas oo la isku waydaarsanayo baraha bulshada, iyada oo ay xilligi doorashada ka hartay kaliya 171 maalmood.
Wasaaradda ayaa ka codsatay qurba-joogta Somaliland in ay aaraadooda u cabbiraan si xushmad iyo xikmad leh, iyada oo laga fogaanayo caadifadda iyo xamaasadda wax u dhimi karta degganaanshaha iyo xaqa dastuuriga ah ee doorashooyinka soo socda.
Wasaaradda ayaa sidoo kale ugu baaqday qurba-joogta in ay dunida tusaan horumarka, xasiloonida iyo doorashooyinka ka dhacaya Somaliland.



