Hargeysa, 24 October 2025 (Dawan) — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa bilaabay hindise cusub oo lagu abaalmarinayo dhalinyarada hal-abuurka leh ee dhinaca teknoolajiyada, taas oo loo bixiyay “Abaalmarinta Madaxweynaha ee Hal-abuurka Teknoolajiyada Dhalinyarada Somaliland.”Sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay telefashinka Somalind Abaalmarintan oo noqon doonta mid sannadle ah, ayaa lagu maamuusi doonaa dhalinyarada soo saarta barnaamijyo, mashaariic, ama kaabayaal teknoolajiyadeed oo wax ka taraya bulshada, fududeynaya adeegyada, ama xal u helaya caqabado jira.Abaalmarintaan ayaa la filayaa in lagu soo bandhigo Carwada Teknoolajiyadda & Shirweynaha 7aad ee ICT-ga Somaliland 2025 oo ah carwada ugu weyn ee teknoolajiyada Somaliland, oo lagu qabto Hargeysa si loo xoojiyo isdhexgalka, hal-abuurka, iyo maalgashiga dhijitaalka ah ee Somaliland, 25 ilaa 31 bishaan ayuu hargeysa ka dhici doonaa shirkaan.Abaalmarintaan ayaa waxaa ku guuleysan doona qofki soo kordhiya hal abuur wax tar leh oo nolosha bulshada wax ka badala, taas oo lagu xoojiyo kaalintooda ku aaddan kor u qaadista aqoonta, shaqo abuurka, iyo adeegyada dijitaalka ah.Tartanka hal-abuurka oo ay xukuumaddu qorsheyneyso in la qabto sannad kasta ayaa lagu dooran doonaa dhalinyarada leh fikrado cusub oo la taaban karo, kuwaas oo ku guuleysta abaalmarintaan.Abaalmarintan ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee Somaliland ee uu madaxweynaha si gaar ah ugu maamuuso hal-abuurka dhallinyarada Somaliland, taasoo astaan u ah siyaasadda cusub ee xukuumadda ee lagu horumarinayo aqoonta, dijitaalka, iyo hal-abuurka gudaha ah.
Waxaa qoray Dawan TV - Reporter
Maqaallo La Xidhiidha

Jabuuti iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday heshiis 30 sano ah oo ku saabsan Dekedda Tajuura
Oct 25, 2025
Warar
Akhri dheeraad →

Hay’adda SoDMA oo Shabeellaha Hoose u Dirtay 3,000 oo Jawaan oo Raashin ah
Oct 25, 2025
Warar
Akhri dheeraad →

Deni: Puntland ma sii fiirsan doonto inuu dalku galo firaaq sharci
Oct 25, 2025
Warar
Akhri dheeraad →
